Muqdisho: Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska oo toogasho lahu dilay

03 May 2024 (Puntlandes.com) Nin ku hubeysan Bastoolad ayaa toogtay Col Aadan Cumar (Biit) oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliiska xili fiidkii caawa uu ku shaahaynayey Marxuumku Meherad ku taal isgoyska Dalsan ee u dhaxeeya Dekeda iyo Ilanka looga leexdo xerada iskool Booliisiyo.

Goob jooge oo ka ag dhawaa goobta dilku ka dhacay ayaa warbaahinta maxaliga U sheegay in Sarkaalka lagu dhuftay laba xabadood, isla goobtana uu ku geeriyooday islamarkaana uu baxsaday ninkii falka geystay.

Waxaa la isweydiinayaa sida ay dilaaga ugu suurtagashay in sarkaalkan uu ku dhex toogto goob ay afarta dhinac ka xigaan Ciidan oo si aad ah loo ilaaliyo islamarkaana ay ku dhextaal xeradii ugu weyneyd Ciidanka Booliiska ee Tababarada.

About The Author