Shirkii Dhuusamareeb oo madaxweyne lagu doortay
1 july 2015 (Puntlandes) Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta shir halkaas uga socday Ergo ka kala timid Koonfurta Mudug,Galgaduud iyo qaybo ka mida Hiiraan waxaa lagu doortay Madaxweyne iyagoo doortay Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Gudoomiyihii Fulinta Ururka Ahlu Sunna.
Doorashada ka dhacday Magaalada Dhuusomareeb waxaanku tartamay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ururka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, Wasiirkii Arimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen iyo Afhayeenkii Maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji.
Waxaa doorashada ku guuleestay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ururka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, kaa oo helay inta badan codadkii ay Ergadu dhiibteen.
Doorashadan ayaa waxay kusoo aadaysaa iyadoo ay DFS ka wado Cadaado maamul aan waafaqsanaynd Dastuurkii lagu heshiiyey isagoo la doonayo in lagu BOOBO dhul ka mida dawladda Puntland. Qorshaha DFS ay wado Cadaado ayaa waxaa si wayn uga soo horjeestay shacabka iyo dawlada Puntland iyagoo ka digay inuu abuurayana dagaal hor leh o oka horca Soomaaliya.
Puntlandes.com