Khudbaddii Gaas ee 1 july maxay kaga duwaneyd kuwiisii hore loogu yaqiiney
Khudbadda Gaas ee 1 july waxay ahay tii uu ka jeediyey Baarlamaanka Puntland iyo kuwii uu ka jeedin jirey shirarkiisa jaraa`id oo lagu daray xoogaa yar oo ”Joke” ah oo issaga oo iska dhigaya in uu dadka ka qoslinayo si dadban u cadeeyey mawqifkiisa ah in uu sugayo in Xamar Jago looga magacaabo 2016. Wuxuu dul maray in uu jiro qodob Puntland u banaynaya in ay aayeheeda ka tashato ”hadii buu yiri dawladda federaalku ay ka waantoobi waydo shidada ay dadka kula dhex jiraan”
Halkan ka dhagayso Khudbadii Gaas
Waxaa xusid mudan in uu sidaa lahaa tan iyo intii uu meesha yimid oo ku siman 1,5 sano. Ma jiro cid ka ag qaaday ama dheg jalaq u siisay goodidaa beenta ah ee ku siman erayga ah ”Hadii waxaas la yeeli waayo waxbaan samayn” oo wax ka danbeeyaa ayasn jirin.
Markuu sheegay qodobka dastuurka ah ee Puntland u fasaxaya in ay masiirkeeda ka tashato buu wuxuu yiri, waxbaa ii laaban issaga oo sharaxaya sida uusan uga maarmin Xamar, wuxuu yiri waa in aan lagu fiirsan inta yar ee xumaanta wadda ee waa in inta badan ee Soomalinimada iyo wanaaga wadaa ay meel uga soo wada jeestaan si Soomaalinimo loo helo.
Maxaa ka khaldan erayadaas?
Waa mare, inta yar oo uu sheegayaa waa kuwa xukunka haya. Oo in la afgembiyo ama xoog lagu maquunsho ma ahane waxay sameeyaan baa ”legitimate” ah oo sharci ah. Gaas ma sheegin sida intaas yar ee xumaanta wadda looga qaadayo xukunka.
Inta yar ee xumaanta wadaa waa nimanka Soomali u diidey in ay Soomaalinimadeedii la soo noqoto mudo ku siman 25 sano. Oo maanta sida uu Gaas ka dhigayo in ay arintu ku kooban tahay Xasan Shiikh iyo Jawaari bay shalay u ahayd, Cali Mahdi, Caydii, Yalaxow, Nuur Cadde, Shariif Xassan iyo Qaar kale oo badan.
Wuxuu si cad u ogyahay in aysan dhibaatadu Koox yara ku koobnayne ay tahay qowmiyad dhan oo koonfurta Soomaaliya degta.
Gaas waa u muuqan weydey in Baarlamaan dhan la afduubay xiligii Cabdulaahi uu Xamar joogey, Gaas uma muuqato in Baarlamaan uu shacabkiisii doortay uu xaaraantinimeeyey Baarlamaan ku sheega Xamar, ogow ma aha Jawaari iyo Xasan Shiikh ee waa wax loogu yeeray 140 xildhibaan. Gaas uma muuqato damaca waalan ee reer koonfureedku ay ku doonayanaan dhul aysan lahayn, Gaas uma muuqato dagaalka lagu hayo mudada dheer Puntland. Gaas uma muuqato mudaharaadyada dadka Reer Puntland ay ku muujinayaan aragtidooda ah in nimankaan Xamar laga haro.
Haddaba maxaa u muuqda Gaas? Waxaa Soomaali ku maahmaahday Dawacadu meeshay Macal uga barato bay macaluul ugu bakhtidaa. Illeen sida qoraxda baa loo arkaa in aan cidina ka dooranayn Xamar ee malaha wuxuu quudaraynayaa in jago kale looga magacaabo.
Waxaa taas daliil u ah in doorashadii khasaartay ee Puntland uu ku galay in uu hal xilli ama term joogayo Puntland. Waxaa kale oo daliil u ah in uu wali ”campaign” ku jiro oo uu wali sheeganayo shaqo uu dhexda ugasoo dhacay iyadoo socota, sida balanqaadyadiisii xalay ee uu markasta ku cel celiyo inuu balanqaadayo Garoomo caalami ah iyo jidad dhisan.
Joogitaanka Gaas ee madaxtinimadda Puntland ceeb kuma ah shacabka Puntland oo keliya ee waxay Ceeb iyo urugo ku tahay Baarlamaankii sida Khaladka ah u doortay.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com