Xalka Soomaalida wuxuu ku jiraa hadba sida ay Xildhibaanada Baarlamaanka u xushaan (Maqaal)
Hadaad maanta si fiican ugu fiirsatid dhamaan Dhulalka Soomaalidu degto nidaamka Dawladnimo ee ka dhisan Dawlad Gobaleedyada iyo midka DFS dhamaantood waxaa kuu soo baxaya in aaannu nidaam la isku halayn karo ka hirgelin.
Markaan si fiican ugu fiirsaday meesha ay ciladdu ka soo burqanayso waxaa ii soo baxday in mushkiladda ugu wayn ay tahay habka loosoo xulo Golaha wakiilada, ama Xildhibaanada Baarlamaanka.
Waayo Xildhibaanadaas waa kuwa Kala saaraya madaxda isku soo taagaysa Jagooyinka Madaxwaynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka.
Waa kuwa dajinaya Sharciyadii dhamaa ee wadanka lagu dhaqi lahaa, isla markaana markasta dib u eegis ku samaynaya xeerarkii dalka lagu hagi lahaa
Waa kuwa dajinaya Sharciyadii dhamaa ee wadanka lagu dhaqi lahaa, isla markaana markasta dib u eegis ku samaynaya xeerarkii dalka lagu hagi lahaa
Haddii markaas marka hore ay Bulshadu si daacada isaga soo xuli lahaayeen kuwooda ugu indheergaardsan, Qadiyadda iyo Qaranimo Soomaaliyeed ay kala qaymo badan tahay xooggaa lacaga oo laaluusha oo jeebka loo gasho.
Markaa weeye marka la helilahaa Hogaan u qalma Bulshadaan in uu hogaamiyo, waayo Soomaalida ayaa ku maahmaahdaa ruuxaad doonayso in aad ogaatid waxaad ku tiraahda ii sheeg saaxiibkaa si aan u ogaado ruuxaa aad tahay.
Waxaan ka wadaa haddii Golihii wakiilada ee shacabka matalayay aan si daacad ah lagu soo xulin waxaa shacabkii Baarlamaankoodii fariisanaya dad aan lahayn karti iyo garasho ay ku xushaan Hogaan leh Karti uu bulshada ku hogaansho, Golahaas wakiilada ee la doortay waxaanay kaloo garan karayn in ay si daacada ula xisaabtamaan Hogaankii ay markii horeba iyagu soo doorteen.
Dhibaatada kale oo jirtaa shacabkii Soomaalidu xil iskama saaraan qaabkii loosoo xuli lahaa Gole wakiillo oo u qalma in ay Bulshada matalaan, balse taa badalkeed hawshaas waxaad moodda baryahaan danbe in loo daayay Beesha Caalamka isla markaana waxaadba mooddaa in ay noqotay arrin mashaariic lagu dalbado.
Haday Soomaalidu xal doonayso marka lagaaro xiliga lasoo xulayo Golaha wakiilada waa in laga illaasho in ay wax mashaariica ee beesha caalamka laga maalgashaa meesha lagu arkaa, waayo mashruucaas ruux baa soo dhamaystay, ruuxaas wuxuu noqon karaa ruux arragti gaaban oo aan daacad ahayn waana sida ay u badantahay 99%, waxaana dhacaysa in ruuxaas uu soo xushaa dad uu la soo heshiiyay si ay hadhow ay u doortaan ruux u calaamadsan isaga.
Isku soo duub masiirkii umaddu aakhirka wuxuu ku danbaynayaa wax laaluush iyo lacag ku yimid ee aan tarta iyo xulasho bulsheed ku iman.
Wuxuuna ka dhiganyahay iyadoo Imtixaan arday gashay lagu kala saaray ardaydaas habkii daacadda ahayd oo qish laga illaashay, iyo arday lagu kala saaray laaluush iyo qish.
Arday aan si daacada kusoo qaadan shahaadada dugsiga sare waad garan kartaan marka Jaamacadda la billaabo waxa labada arday kala qabsanaya, ardaygii qishka iyo laaluushka ku soo baasay marka uu Jaamacadda dhmeeyo wuxuu soo qaataa shahaado lowgu soo qoray ka qayb gale, waayo ma aannu ahayn arday aaasaaska ka dhisan oo fahmi kara duruusta Jaamacadda ka socota, halka ardaygii sida daacaaddaa shahaada kusoo qaatay uu si fiican ula qabsanyo Duruusta Jaamacadda ka socota isaga oo fahmay wixii jaamacadda uu ku soo qaatay ayuu shaqadii billaabaa.
Isku soo duub oo waxwalba waa aasaaska, marka haddii la doonayo in ay gayiga Soomaalida nidaam Dawladeed oo la isku halayn karro ka hirgalo waa in shacabka Soomaalida ay awoodda maal iyo muruqba isugu geeyaan sidii lagu soo xuli lahaa Gole wakiillo oo ka yimaada Bulshada kuweeda ugu arragtida dheer isla markaana ay ka go’antahay in Qaran Soomaaliyeed oo saxa la helaa.
Hadii ay bulshadu arrinkaas dhayalsadaan, markaas iyana ha iska illoobeen in ay hellaan Nidaam iyo Dawlad wanaag iyo Qaran Soomaaliyeed iyo xitaa mid Dawlad Gobaladeed
Maqaalkan bal eegga
<a href=”http://www.puntlandobserver.com/sidee-doorasho-xalaala-iyo-hogaan-xalaala-puntland-looga-hirgalinkaraa-qaybtii-5aad-dib-u-akhri-warbixin-muhima/“>Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad
<a href=”http://www.puntlandobserver.com/sidee-doorasho-xalaala-iyo-hogaan-xalaala-puntland-looga-hirgalinkaraa-qaybtii-5aad-dib-u-akhri-warbixin-muhima/“>Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad
Diyaariye Ibrahin Sh Mohamed Gablax gablax@yahoo.com