Sawirro: Cuqaasha & Waxgaradka Beelaha Reer Warsame Faarax & Reer Ciroobe Faaarax ee Cumar Maxamuud oo Raaligelin ugu tagtay Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax

11 May 2024 (Puntlandes.com) Cuqaasha iyo Waxgaradka Beelaha Reer Warsame Faarax & Reer Ciroobe Faaarax ee Cumar Maxamuud ayaa booqasho iyo salaan ugu tagtay Islaanka Beesha, Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax.

Beelaha ayaa Islaanka hoygiisa ugu tagtay si ay uga Raalli geliyaan Islaanka Waraaq ka soo baxday qaar ka mid ah Isimada beelaha Cumar Maxamuud iyagoo hoosta ka xariiqay in wixii dhacay ay ka xun yihiin, aysana ahayn wax Cumar Maxamud u qalma.

Habeenimadii ay soo galaysay 29ka april ayey waraada soo saareen qaar ka mid Isimada Beelaha Cumar Maxamuud, waxaana isla 29kii ka horjeestay waraaqdaas Raaligelin iyo xaalsiinna ugu tagay Islaan Beesha Reer Khalaf faarax.

Halkana ka akhriso sawirrada ka daawo Beesha Reer Khalaf oo Raaligelin iyo Xaalmarin ugu tagtay Islaan Bashiir isla markii ay Isla markii ay Waraaqdu soo baxday, 29kii april 2024.

Muuqaal: Waxgaradka & Nabadoonada Beesha Reer Khalaf oo kasoo horjeestay go’aankii qaar ka mid ah Isimada Cumar Maxamuud

Akhriso Bayaan ka soo baxay beesha reer Khalaf Faarax oo la xiriira Saldanada Cumar Maxamuud

About The Author