Dhagayso: Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ”Waxa aan maamulka u samaynayno waa Mudug oo dhan iyo Galgaduud
2 july 2015 (Puntlandes) Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ooka mid ahaa Gudiga farsamada hadana u sharaxan madaweyne kuxigeen maamulka ay DFS ka dhoodhoobayso Degmada Cadaado ayaa wuxuu sheegay sababta ay uga reebeen dadka Puntland dega inay tahay inay suurtoobi wasay in dadka Waqooyiga Mudug daga oo midaysan ay shirka yimaadaan. Mr Carabeey ayaa intaas ku sii daray kadibna waxaanu goosanay in aanaan waxba siinin inta yar ee noo timid.
Carabeey ayaa la waydiiyey maamulka waxa loo samaynayaa ma Koonfurta Mudug iyo Galgaduud haddii aad ergadii waqooyiga ka socday banaanka dhigteen wuxuuna Carabeey ku jawaabay ”Maya waxaan maamulka u samaynaynaa waa laba gobol uu buuxa oo ah Mudug iyo galgaduud, arrinta dadka ka maqana waa siyaasad oo waa la xalinayaa” CAJIIB
Mr Carabeey wuxuu intaas ku sii daray in qorshaha u dagsan uu yahay in marka ay maamulka dhisaan in ay kala xaajoodaan dadkaas dawlada Puntland. Wuxuuna sheegay Carabeey oo hadalkiisii sii wata ugu dambayn waxaa kala goyn doona arrinta labada maamul Gudiga Xudduuda ee dawlada Xamar ogow hada dawlada uu sheegayaaa waa tan qorshahan uu ka hadlayo degsatay!!
Doorashadii ay Baarlamaanka Puntland doorteen Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay Puntland dhaxalsiisay baaba iyo in kuwa aan waxba ahayn ay soo hawaystaan. Waxay kaloo dhaxalsiisay in Xasan iyo qaraabadiisa oo u ciil u qabay Puntland ay maantay dayacan tahaye ka faa’iidaystaan oo maqas usoo qaataan.
Dhagayso Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey
Puntlandes.com