Sawirro: Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay eedaysanaye 95 GRM oo dahab ah kasoo xaday koonfurta Soomaaliya

19 May 2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Booliska Gobolka Mudug gaar ahaan CID ayaa gacanta ku dhigay eedaysanaye Cabdicasiis Cali Muuse xaaji oo 95 GRM oo dahab ah kasoo xaday koonfurta somaliya gaar ahaana Balcad ayna dhibane ka tahay Caasho Maxamed Cali, kaasoo lagu qabtay koontoroolka bari ee Magalada Galkacyo.

Eedaysane Cabdicasiis Cali Muuse Xaaji oo hada ku jira gacanta ciidanka Booliska ayaa markii la qabtay laga helay 50.1 GRM oo dahab ah, dhawaana eedaysanaha lagu wareejin doono ciidanka Degmada Balcad.

Taliska Qaybta Booliiska Gobalka Mudug Lasoo Xariir taleefoon Golis ah ”0905500000” ama 0905540000 haddii aad dareentid khatar amni, Si dagdag ah ayaa lagaaga jawaabayaa shacabku hala shaqeeyaan Laamaha amniga Gobolka Mudug mahadsanidiin.

About The Author