Sawirro: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo si habsami Leh u wada Dawayntii iyo Daryeelkii Xoolaha Puntland

25 May 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa dawladda Puntland ayaa waxay si habsami leh uga wadaa Dhamaan Goboladda iyo degmooyinka Puntland Xoolo Dawayn

Wasaaradda ayaa waxaa u qorshaysan inay Gobollada Dowladda Puntland ka dawayso Xoolo ay tiradoodu gaarayso 750,000 neef.

Muddo 28 maalmood oo xiriir ah ayaa xoolaha laga Daweeyey cuduro kala duwan, Nabaro gaaray iyo Nafaqo darro haysay.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Daaqu waxay si habsami Leh u kormeeraysaa dhamaan Kooxaha wadda Xoolo Dawaynta ee Ku sugan Degmooyinka iyo Gobollada Puntland.

Ugu danbayn waxay wasaaraddu soo gabo-gabayn doontaa Dhawaan 30 kii maalmood ee loogu talogalay Xoolo Dawaynta.

Sidoo kale waxay Wasaaraddu qorshaynaysaa inay Joogtayso Xoolo Dawaynta si loo helo Xoolo caafimaad qaba iyo Dadka caafimaad qaba.

About The Author