Maxaa kulmiyey in dhaqaalihii Beesha Caalmaka ku bixin jirtay midna aad loo yareeyo, AMISOM, midna la wada jaro DFS? Xaalada oo ku xun DFS!

04 jul 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan sheekh oo magacii iyo dawladnimadii Soomaaliyeed u isticmaala sidii wax uu isagu leeyahay ayaa waxaa iminka la soo deristay marxaladii ugu xumayd tan iyo markuu xilka la wareegay.

Xasan Sheekh oo aan cid aan Kooxdiisa ahayn maqlin ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa sidiii uu isku mahadiyey iyo erayadiisii caanka ahaa ”Dawladaydu way ka baxday kumeel gaar, waxaan madax ka ahay dawlad rasmi ah” laakiin waxa uu hilmaamay in magaca uu haysto uu ku helay lacagta reer Galbeedka iyo Taangiga Ciidamada AMISOM ee ay reer Galbeedku bixiyaan qarashka ku baxa.

Markuu Xasan Sheekh ku tuntay Dastuurkii ummadu ku heshiisay, markuu dawladnimadii Soomaaliyeed kula dagaalamay qaar ka mida ummadda soomaaliyeed, markuu ku kacay Masuqmaasuq baahasan isagoon waxba xeerinayn, markuu god dheer ku tuuray dawladnimadii Soomaalyeed ee sanadada badan laga soo shaqaynayey hantida iyo dhiiga fara badanina ku baxay, markuu si joogto ah u wado abuurid dagaal sokeeye isagoo madax isku gelinaya ummadda Soomaliyeed ee dhibaatadu haysato ayaa waxay reer Galbeed goosteen inay ka xirtaan TUUBOOYINKOODA.

Waxay reer Galbeedku joojiyeen lacagtii ay DFS uga bixin jireen Mushahaaraadka Shaqaalaha, Ciidamada iyo waliba tii ay ku kabi jireen Bajadka DFS. Ma jiro cid ka tirsan DFS oo qaadatay Mushahaar laga soo bilaabo janaayo sanadkan waa muddo lix bilood ah.

Ciidamada DFS oo bilaabay iany iibiyaan Hubka dawladda

Ciidamada DFS ayaa si ba’an u iibinaya Hubkii iyo qalabka dawladda iyadoo uu Hubkaasi intiisa badan uu gantiisa galay Kooxda Al Shabaab oo ka iibsanaysa Ciidamada DFS.

Ciidamada DFS ayaan wax mushahaar ah qaadan muddo dhan 6 bilood iyagoo u baahan wax ay ky noolaadaan. Taasina waxay sababtay inay Hubkooda iibiyaan. Shaqaalaha DFS ayaa iyana aanan helin mushahaar muddo dhan 6 bilood ah iyagoo laga saaray qaarkood guryihii ay ijaarka ugu jireen kadib markii ay bixin kariwaayeen Kiradii laga doonayey.

 AMISOM oo iyana dhaqaalihii la siin jiray la yareeyey

Ciidamada AMISOM ee ilaaliya DFS ayaa waxaa la soo deristay dhaqaale yarid baaxad wayn kadib markii ay wadamada reer Galbeedka ay yareeyeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen AMISOM.

Wadamada reer Galbeedka ayaa dhaqaalihii ay siin jireen AMISOM u yareeyey kadib markii uu xasan Sheekh baal maray dawladnimadii iyo wixii lagu heshiiyey.

AMISOM ayaa bilowday inay isaga baxdo degeeno badan oo ka mida Gobolka Shabeelha Dhexe halkaasoo ay la Kooxda Al Shabaab la wareegatay.

Puntlandes.com

 

About The Author