DFS oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Dalka Kenya

28 May 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto, hadalkaas oo uu Ruto ku sheegay in Soomaaliya ay la wareegi doonto Kooxda AS Sidii ka dhacday Afghanistan haddii laga saaro Ciidamadda Shisheeye xili uu booqasho ku joogo dalka Mareykanka.

Wasiir Dowladdaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid khaldan isaga oo sheegay in Soomaaliya iyo Afghanistan aan la is barbar dhigi karin marka laga hadlayo tallaabadan.

Cali Balcad  ayaa yiri “Dhaqdhaaqaa aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afghanistan. Bixitaanka Ciidamada shisheeye ma hor seedi doonaan xaaladaas oo kale, Awooda aan saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso Xasiloonideeda”

Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay doonayso inay ka faa’iidaysato dalalka Xasaradaha amni daro ka jiraan si Ciidamadda dalkeeda loo geeyo dalalkaas qaab nabad ilaalin ah.

About The Author