Sawirro: Wasiirka caafimadka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka ee Dowladda Puntland

29 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda caafimadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo uu weheliyo wasiiru-dowlaha Wasaarada Mudane Ahmed Sheikh Farah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka ee Dowladda Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali.

Kulankaan ayaa ku saabsanaa is barasho iyo kala warqaadasho hogaanka cusub ee wasaaradda iyo xafiiska hantidahowrka dawladda, kulanka kadib ayaa waxay si wada jir ah kormeer ugu sameeyeen qaar kamid ah xafiisyada xarunta dhexe ee wasaaradda iyo xafiiska caafimaadka gobolka Nugaal iyo cisbitaalka guud ee Garowe.

Wasiirka wasaaradda Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo gunaanad kormeerka la hadlay xafiiska warbaahinta wasaaardda ayaa sheegay in kulanka iyo kormeerka maanta ay wada qaateen gudoomiyaha xafiiska hantidhowrku uu daarnaa is barasho iyo kala xog qaadasho sidoo kalena xarumaha ay booqdeen ay ugu talagaleen in xafiiska handhowrku soo arko waqtiga uu rabo inuu shaqadiisa ka gutana uu ka guto, iyadoo lagu shaqaynayo siyaasada dawladda ee ku dhisan isla xisaabtanka iyo maamul wanaaga.

About The Author