Sawirro: Qaar ka mid ah Guddiyada Baarlamaanka Puntland oo aqoon kororsi ugu dhamaaday Nairobi

30 May 2024 (Puntlandes.com) Waxaa aqoon kororsi ugu soo dhamaaday dalka Kenya qaaer ka mid ah Guddiyada Baarlamaanka dawladda Puntland.

Guddiyada ayaa kala ah Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska iyo Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.

Aqoon kororsiga ayaa socday muddo afar maalmood ah, iyadoo lagu lafa guray qodobo wax ku ool ah, gaar ahaan xuquuqda caruurta iyo xeerarka la xiriira iyo kor-joogtayntoodaba.

Intuu socday aqoon kororsigu ayaa waxay Xildhibaanadu doodo la yeesheen Xildhibaano Kenya iyo Madaxda Hay’adda Badbaadada Caruurta (Save the Children) sidii looga wada shaqayn lahaa hormarinta iyo xeerarka xuquuqda caruurta.

About The Author