Sawirro: Wasiirkii hore ee Boostada & isgaarsiinta DFS oo Casho sharaf u sameeyey qaar ka mid ah guddiyada Baarlamaanka PL

30 May 2024 (Puntlandes.com) Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi ah u jooga magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa ka qayb galay kulan Casho sharafeed Soo dhawayn iyo is xogwaraysi isugu jira.

Kulanka oo uu soo agaasimay Wasiirkii hore ee Boostada & isgaarsiinta Somalia Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay, Diplomasiyiin, Ganacsato, masuuliyiin ka mid ah Jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

About The Author