Ciidanka Mareykanka (Africom) oo si rasmi ah u sheegay inuu fuliyay weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Puntland

01 June  2024 (Puntlandes.com) Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si rasmi ah u sheegay inuu fuliyay weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya kaas oo shalay ka dhacay Gobolka Bari ee Puntland.

“Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa ah in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay dadka rayidka ah,” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay Africom.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Puntland kaas oo ku aadan Warka kasoo baxay Taliska Mareykanka balse weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo uun ka hor markii Dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay weerar ka fulisay Buuraleyda Caalmadow ee Gobolka Sanaag balse Puntland ay beenisay warkaas.

About The Author