Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo furtay tababarka gabdhaha marwo caafimaadka oo socon doona 35 maalmood

01 June  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane DPL Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa maanta Garowe ka furtay tababarka gabdhaha marwo caafimaadka oo socon doona 35 maalmood ayna ka qaybgalayaan ilaa 55 gabdhood oo ka socda gobolka Nugaal.

Salma Osmaan Guureeye madaxa barnaamijka Marwo Caafimaad oo furitaanka ka hadashay ayaa tiri:-

“ Waxaan maanta bilaabanaya tababar gabdhaha marwo caafimaad oo socon doona mudo 35 maalmood ah kaasoo ay ka qaybgalayaan 55 gabdhood marka tababarka dhamaado waxaa la siin doona adeega ay ku shaqayn lahaayeen oo iskugu jira dawadii, mobilkii ay xogta ku soo gudbin lahaayeen.”

“Gabdhaha ayaa ku biiri doona ilaa gabdho horay loo tababaray hadana shaqeeya, kuwaasoo meelaha fogfog ka bixiya adeegyada caafimaad ee looga baahanyahay.”

Mohamed Jamac Qorile isuduwaha caafimaadka Gobolka Nugaal:-

“ Waxaan rajaynayaa dadkii idinka horeeyay siday ushaqaynayeen inaad ushaqaysaan u hormarisaan, waxaad ka shaqayn doontaan meelo fog fog oo aan adeeg caafimaad lahayn inaad caafimaad gaarsiisaan, dhamaystirtaan dhamaan baahiyaha jira ee dhanka caafimaadka.

“Waxaa la idinka rabaa inaad ka warqabtaan idiin diiwaangashanyihiin hooyooyinka uurka leh ilmaha talaalka ubaahan iyo dhamaan baahiyaha jira.”

Abdikani Xirsi madaxa hay’adda PSI Puntland oo ka hadlay furitaanka ayaa yiri:-

“ Farxad ayay noo tahay wasaaradda caafimaadka inan ka wada shaqayno mashruuca marwo caafimaad, mashruuca mudo dheer ayuu soo shaqaynayay dalal kala duwan ayaa dhaqaalaha bixinayay, hadda waxaa bixiya bangiga aduunka, wajiga labaad waxaa laga isticmaalaa buugaag aqooneed oo soomalida lagu diyaariyay laguna tarjumay waxaana ku qoran shaqooyinka iyo adeegyada ay qabtaan, shaqada ugu weyna waa wax ka badalka hab dhaqanka bulshadeena ee dhanka caafimaadka iyo bulshada oo dadka loo dhawaynayo caafimaadka, anaga shaqadayada waa diyaarinta iyo korjoogtaynata la socoshada barnaamijka marwo caafimaad, barnaamijka waxa uu ku shaqeeyaa xogta danabaysan oo mobilo lagu soo gudbinayo lalana soconayo shaqada ay qabanayso iyo midkasta heerka uu marayo iyo shaqada ay qabanayso.”

Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo tababarka furay ayaa yiri:-

““Waxaan idinku imid inaan idin la dardaarmo, waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo markasta muhiimada aad uleedihiin bulshadiina gaar ahaan gobolka Nugaal, waxaad nasiib uyeelateen la idinkana soo dhex xulay bulsho balaaran, waxaan rajaynayaa fursada aad hesheena inaad ka soo dhalaashaan, waxa la idin barayo waa badbaadin ilahay ayaa wax badbaadiya qof naftiisa lkn idinka waxaa la idinka rabaa inaad dadaalkii la timaadaan, waxbarashada aad baranaysaan maahan mid imtixaan loo galayo lkn waa mid aad noloshiin oo dhan ku hormarisaan, wasaaraddu caafimaadku wadanka tusaale ayay utahay waayo meelkasta oo Puntland kamid ah ayay joogtaan mana jirto wasaaradda lamid ah, idinkuna waxaad matalaysaan wasaaradda waliba bulshada degaano aan xarumo caafimaad ka jirin ayaad ka shaqaynaysaan.”

“ Waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda PSI wada shaqaynta wanaagsan ee wasaaradda kala dhaxaysa gaar ahaan mashruucaan marwo caafimaad iyo kuwa kaleba, waxaan dhaamaanteen ognahay inaysan sii socon doonin taageerada caalamka waa inaan shaqaynaa sidii caafimaad si dhamaystiran ula wareegno.”

About The Author