Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay sii wadista xafiiska siyaasadda UN

01 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kaga wada hadlay sii wadista xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, la dagaalanka argagixisada, xallinta xiisadaha gobolka iyo mustaqbalka howlgalka ATMIS kaddib.

Inkastoo Soomaaliya ay dhawaan codsatay in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay, Mareykanka ayaa doonaya inuu xafiiska sii jiro, halka DFS ay dooneyso in la baab’iyo, waxaana la sheegayaa in arrintaas ay dhaawici karto taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa mar kale u magacaabay James Swan inuu noqdo ergayga ku meel gaarka ah ee Xafiiska QM ee Soomaaliya.

About The Author