Sawirro: Wasiirka xannaanada xoolaha & Daaqa Puntland oo furey tababar

01 June  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux oo uu weheliyo Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda ayaa furey tababarka lagu barayo isticmaalka iyo cilad bixinta Qalabka Calafka xoolaha ee beeraleyda wax-soosaarka calafka.

Iskaashatooyinka 22 naad, Jibagale iyo cuun ayaa ka faaiidaysan doonaa tababarkaan muddada 7 cisho ah ee uu socon doono,si loo dardargaliyo Shaqadda Wasaaradda ee wax-soosaarka Calafka xoolaha waxay Wasaaraddu qaatay door ah in dhamaan iskaashatooyinka Calafka la siiyo tababar iyo tayeyn.

Qalabkaan oo ah mid ay Beeraleyda calafku baahi wayn u qabeen isticmaalkiisa iyo cilad bixintiisa ayaa ka taageeeri doona inay soo saaraan calaf tayo leh oo tirro leh si looga maarmo Calafka Dibadda inooga yimaada.

About The Author