Sawirro-Muuqaal: Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool oo kormeer shaqo ku tagay Kastamada Faladhyaale iyo Buurawadal ee gobolka Sool

02 June  2024 (Puntlandes.com) Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool Mudane Mustafe Maxamuud Aadan ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamada Faladhyaale iyo Buurawadal ee gobolka Sool.

Waxaa kormeerkan shaqo Xisaabiyaha ku waheliyay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Beriga Cabduqaadir Liiban, waxayna kormeereen koobaha ay shaqooyinku ka socdaan Maamulaha Kaastamka Axmed Cabdulaahi Nuur ayaa ka warbixiyey sida ay u socoto Shaqada kastamku

Agasimaha cashuuraha berriga ayaa Madaxda iyo shaqaalaha uga mahad celiyey shaqooyinkii ay hayaan loona baahan yahay dadaal dheeri amanada ay hayaana xafidaan.

Sidoo kalena Xisaabiyaha ayaa gaaadidleyda u soo jeediyay in ay bixiya caanshuurta ku waajibtay.

Dhica kale xisaabyaha waxaa u xusay in cidii lagu qabto iyado la dhumayanysa caanshurta ku waajibtay ay talaabo sharci ah laga qaadi doono hanta u wadana ay la wareegi doonta Dowladdu.

Waxaa xusid mudan in ay socda dadalo lagu xoojinayo kobaca Dakhliga ee Kastamayadda Dowladda Puntland iyadoo ujeedku yahay in la gaaro halka la hiigsanayo oo ah in la helo dhaqaalahii lagu hormarin lahaa dalka.

About The Author