C/kariim Guleed ”Galmudug waa Mudug iyo Galgaduud, diyaar baanu u nahay inaan la hadalno PL”
04 jul 2015 (Puntlandes)Maanta oo sidii la saadaalinayey loogu doortay madaxweynaha maamulka ay DFS ka samaynaysay Degmada cadaado Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka tirasan madaxda Kooxda Villa Wardhiigleey fadhigeedu yahay ee Dam Jadiid ayaa wuxuu sheegay doorashadiisa kadib inuu maamulkiisu ka kooban yahay gobolada Mudug iyo galgaduud.
Wuxuuna ka codsaday dawladda Puntiland inay soo dhaweeyaan maamulkiisa ayna la shaqeeyaan.
Guuleed ayaa waxa uu yiri mar uu ka hadlayey Puntland ‘’Walaalaheena Puntiland ee jaarka nahay waxaan diyaar u nahay in wixii madmadow ah ee jira aanu wada hadal ku dhamayno’’
C/kariin Guuleed oo soojeedka ku Riyoonaya
Guuleed ma wuxuu doonayaa inuu dawladda Puntiland wada hadal kala galo Gobolka Mudug qaybtiisa hoos yimaada Puntland mise wax kaluu wadaa? Haday Mudug tahay wax wada hadal ah oo ay dawladda Puntland kala gelaysaa ama kala geli kartom a jirto wuxuuna ku Riyoonayaa soojeedka.
Puntlandes.com