KG oo ka hortimid qorshaha ay DFS ku saareyso ciidanka Itoobiya

02 June  2024 (Puntlandes.com) Dawlad goboleedka Koonfur Galbeer ayaa ka hortimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka saarista ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa been abuur ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya laga saari doono guud ahaan Soomaaliya.

Xuseen Macalin  ayaa yiri “Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, december sanadkaan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’

Sidoo kale wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed oo ka jawaabtay ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamtay hadalka Xuseen Macallin ee ku saabsanaa doorka ay ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan howlgalka beddelaya ciidamada ATMIS.

Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale u mahad-celisay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanadeeda, ayadoo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ciidanka Itoobiya oo hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

About The Author