Muuqaal: Xil C/raxman C/shakur oo si xoogan u dhaliilay hogaanka MD Xasan Sheekh ugana baaqay….

03 June  2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan C/raxman C/shakuur Warsame oo shir jaraa´id ku qabtay Muqdisho ayaa si xoogan u dhaliilay hogaanka madaxweynaha DFS Xasan Sheekh, isagoo ugu baaqay inuu ku soo leexdo wadada saxda ah.

Xil C/raxman C/shakuur ayaa yiri ”Hoggaanku xil iyo jago ma aha ee waa saamayn iyo jihayn shacab, waa in rajo iyo yididiilo loo abuuro, ummadana lagu hago hiraal iyo hiigsi qaran, looguna adeego daacadnimo, caddaalad iyo sinnaan”

About The Author