Ciidanka PSF oo beeniyeen eedayntii uu u jeediyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Dawladda Puntland

05 June  2024 (Puntlandes.com) Ciidanka PSF ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku beeniyeen eedayntii uu u jeediyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Dawladda Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire isagoo ku eedeeyey inay Basaso ka abuurayaan amni daro iyo khal khal, halkaan ka daawo.

Ciidanka PSF ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “Ciidanku waxay ka soo jeedaan qabaailo kala duwan, qaar kamid ah ciidanka PSF oo qaraabadooda lagu xiray Saldhigaa Dhexe ee Bosaso haddii ay ku lug yeeshaan macnaheedu ma ahan in ay ahayd amar ciidan ama wax PSF ka dambaysay”

About The Author