Sawirro: Shirkii golaha wasiiradda Puntland oo looga hadlay Amniga, Geedisocodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Ansixinta Miisaaniyadda June-Dec 2024, Illaalinta Deegaanka &…

06 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga , Geedi-socodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee June – December 2024, Illaalinta Deegaanka iyo Todobaadka dhaqanka Puntland oo caawa soo xirmaya wuxuu socday (31 May illaa 06 June ) 2024.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha keentay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dood iyo falanqeyn ka dib uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Goluhu. Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (Jan-June 2024).

Golaha Wasiirada waxaa booqasho sharafeed ku yimi Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro FC oo wadata Koobkii Horyaalka Naadiyada Puntland ee ay ku guuleysteen, waxaa lagu maamuusay in ay Koobka horkeeneen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha.

About The Author