Soomaaliya oo ka mid noqotay golaha ammanka ee QM

06 June  2024 (Puntlandes.com) Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026ka.

Maanta ayaa loo codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama, iyagoo wixii jan 2025 ka mid noqonaya xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa xubinta ku guulaysatay 179 cod waxaana loo baahnaa 124 cod waxaana horay kalsoo nida u soo siiyey AU oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Dowladdi federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayey farmaajo ayaa dalabka xaraysay uuna u codeeyey AU taas oo dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, iyadoo ugu dambeyntii maanta mira-dhal noqotay.

Golaha ammanka ee QM ayaa ka kooban 15 dal oo 5 ka mid ah ay joogto tahay 10 kalena labadii sano xubno ka oo 5ba sanad la doorto.

About The Author