Sawirro: Madaxweyne Deni oo beerta 22aad ee Garowe kaga qaybgalay Meherka qoyska Eng Axmed Cabdulaahi Cali Xaange & Dr Ruqiya Siciid Cabdullaahi Deni

07 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta beerta 22-aad ee degmada Garowe kaga qayb-galay Meherka qoyska Eng Axmed Cabdulaahi Cali Xaange iyo Dr Ruqiya Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Gabadha Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qayb-galay, Guddoomiye Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baarre Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Golaha Wakilllada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimada dhaqanka ee Puntland, Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Sarakiisha laamaha amniga ee Dowladda Puntland, marti sharaf ka socday labada qoys iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

About The Author