Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo jaamacada Bariga Africa Garowe kaga qaybgalay sagootin loo samaynayay 10 arday oo dhamaysay jaamacada

08 June 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa maanta jaamacada Bariga Africa Garowe kaga qaybgalay sagootin loo samaynayay 10 arday oo dhamaysay jaamacada kana hawlagalayay Cisbitaalka Jaamacada Bariga Africa ee Mahnal Hospital.

Ardayda ayaa safar ugu baxaya dalka Masar gaar ahaan jaamacada Caynu shamsi ayna kasoo qaadanayaa takhasus gaar ah oo ku saabsan Intensive Care Unit (ICU) waxayna ku maqnaan doonaan muddo saddex bilood ah.

Waxaa sagootinka kala qaybgalay gudoomiyaha guud ee jaamacada Bariga Africa Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar ayna wehelinayeen agaasimaha isbitaalka jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso Dr Muxyidiin Xassan Maxamed, agaasimaha xiriirka caalamiga ah Mudane Fahad Axamed Kulan.

Wasiir Siciid Jamac Qorsheel oo kalmad kooban ardayda ujeediyay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo munaasibada lagu sagootinayo ardayda u baxaysa aqoon kororsiga una aadaya dalka dalka Masar oo kamid ah dalalka ugu sareeya xaga aqoonta gaar ahaan caafimaadka, waxaan rajaynayaa in fursada aad hesheen uga faa’iidaystaan sida ugu wanaagsan, marka aad soo dhamaysataana aad xarunta caafimaadka aad ka shaqaysaan ugu faa’iidaysaan gaar ahaan qaybtaan Intensive Care Unit (ICU) oo kamid ah qaybta ugu muhiimsan hadana dalkeena dadka aqoonta uleh ay yaryihiin. Waan uga mahadcelinayaa jaamacada Bariga Africa oo kamid ah jaamacadaha ugu weyn dalka inay ardaydaan udirayso.”

About The Author