Dhagayso: Musharax Fiqi ”Waaqaca dhabta ah waa PL iyo Galmudug waa laba dawladood oo siman oo ka kala dhisan Gobolada Bari, PL, iyo Gobolada Dhexe Galmudug”

169a

04 jul 2015 (Puntlandes) Musharaxii u taagnaa madaxtinimada maamulka DFS ee Cadaado Axmed Macalin Fiqi ayaa waraysi uu siiyey idaacada VOA ku sheegay inay Puntland wajahdo waaqaca dhanta ah ee jira iminka kaasoo uu ku sheegay inay dawladda Puntland iyo maamulka ay DFS Cadaado ka dhisaysay ay yihiin laba dawladood oo siman kana kala taliya Gobolada Bari oo Puntland ka taliso iyo wax uu ugu yeeray  Gobolada Dhexe oo maamulka cadaado ka taliyo.

Musharax Axmed Macalin Fiqi wuxuu ku hadlayaa damacii waalida iyo Colaada Xambaarsanaa ee uu watay Xasan Sheekh a Villa Wardhiigleey oo Riyoonaya isagoo ordaya. Ma sahalkaas ayey moodeen nimakan u ooman dhulka aysan lahayn ee ah Gobolka Mudug inay ku qaadan karaan nin dhulkiis haday saas ku qaadan karaan maxay iyaga iyo Gen Caydiid u qaadan waayeen 1991dii?

Dhagayso Musharax Axmed Macalin Fiqi


Puntlandes.com

About The Author