Sawirro: Wasiirka Cadaaladda Puntland & saraakiil oo Xarunta wasaaradda kula kulmay Wafti ka socd Dalka Sweden
15 June 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Dawladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo ay weheliyaan, wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa Xarunta wasaaradda kula kulmay Wafti ka socd Dalka Sweden.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Hay,ad qaabilsan tababarada Booliska waxaana looga hadlay shirka iskaashida Hay,adaha cadaaladda, ka hortagga tacadiyada ay la kulmaan dadka nugulka ah iyo xoojinta Hay,adana amniga iyo cadaaladda.