Muuqaal: Xil Fawsiya Xaaji Adan ”MD Xasan Sheelkh wuxu i yiri ka tanaasul musharaxnimada gudoomiyaha AU oo Somalia muhiim u ah”

20 June  2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in aanay ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay.

Xildhibaan Fawsiya ayaa sheetay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay cadaadis ku saareen inay ka harto tartanka kursiga oo loo tanaasulo musharaxa dalka Jabuuti.

“Ma yeeli karo in mas’uuliyadaas dhabarka u rito oo aan tanaasulo, maadaama tanaasulkaas, taariikh madow ku xardhan yahay”

Fawsiya ayaa shirkeeda jaraa’id ugu magac dartay Garnaqsi, waxaana ay ka warbixisay heerarka ay u soo martay Musharaxnimada kursigan illaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay ku taageereen.

Waa markii labaad oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qasabto haween kursi u tartameysa inay ka harto, iyadoo Xildhibaan Marwo Bashiir oo u tartameysay kursiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ay ku guuldareystay booskaas, kaddib markii dowladda ay qortay warqad ay ku sheegeysay in aan Musharax u aheyn kursigaas.

About The Author