Midowga Afrika oo taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal kale

21 June  2024 (Puntlandes.com) Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay in kaddib bixitaanka ATMIS oo dhammaadka sannadkan loo qabtay ay timaado marnaasho amni oo fursad siin karta argagaxisada.

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu aqbalay soojeedin Soomaaliya ka timid oo ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo kutalogalkeedu uu yahay 2 kun askari oo dhammaadka June baxaysa, iyo 2 kun kale oo dhammaadka September noqonaysa.

Midowga Afrika ayaa walaac xoogan ka muujiyey howlgalada socda oo ay dawladda fedraalku kula dagaalamayso Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku timid hoos u dhac xoogan oo u sahlaya Al-Shabaab inay is abaabul sameeyaan weerarana gaystaan.

Howlgalkan cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ayaa diiradda saari doona inuu dawladda Soomaaliya ka taageero xoojinta la-dagaalka AS, lana sugo amniga iyo in laga caawiyo Soomaaliya xasillinta iyo amniga.

About The Author