Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsi ee Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya

21 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta oo jimco ah waxaa uu warqadaha aqoonsi ee Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya Amb. Richard H. Riley.

Safiirka cusub ee Mareykanka ayaa warqadaha aqoonsiga lagala wareegay garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee ku yaallay xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Diblomaasiyiinta Mareykanka loo oggoleyn inay bannaanka uga baxaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehliyeen Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka XDS, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley, waxaana kulanka looga hadlay iskaashiga Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, inkastoo Mareykanka muddooyinkii u dambeeyay ay hakiyeen howlgaladii dhanka duqeymaha ah ee ka dhanka ahaa Argagixisada.

About The Author