FALANQAYN-WARSAXAAFADEEDKII Beesha Caalamku ka soo saartay maamulka ay DFS ku dhoodhoobtay Cadaado

169f

5 july 2015 (Puntlandes) Xalay ayaa waxaa Warsaxaafadeed si wadajir ah usoo saaray Beesha Caalamka oo ah tan gadaal ka maamusha Soomaaliya iyagoo si indho la’aan ah usoo dhaweeyey Fidnada iyo Colaada ay DFS ka wado Degmada Cadaado uguna yeertay maamul wax aan Dastuurkii lagu heshiiyey waafaqsanayn, hurinaya Colaad iyo dhibaato ka curata Degaanadaas.

Hadaba waxay Warbaahinta Puntlandes farta ku fiiqaysaa Qaladaadka iyo waxa aysan reer Puntland marna aqbali karin oo ku jira warsaxaafadeedkaas :

Soo dhawayn maamul aan Dastuuri ahayn

Beesha caalamku waxay soo dhawaysay maamulka Cadaado ay DFS ku dhoodhoobtay oo aan ahayn mid Dasuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay waafaqsan. Wuxuu kaloo maamulkaasi abuurayaa COLAAD la mid ah tii 1991dii oo ka dhex dilaacda Puntland iyo dadka dega Koonfurta Mudug ilaa Xamar.  Maamulka DFS ku dhoodhoobtay Cadaado wuxuu si qar iska tuurnimo ah ku sheegtay dhulka iyo dadka Puntland qayb ka mida.

Ergada Ururka Midowga Afrika ee joogta Soomaaliya (AMISOM), Iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo wada dhoweeyay sida guusha leh ee maanta loogu soo gebagebeeyay doorashooyinka Maamulka Ku-meelgaarka loogu samaynayay Galmudug, (Bulshada caalamka) waxaa kale ee ay hambalyo udireen Madaxwaynaha Cusub ee la doortaty, Mr. Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi.

“Waxaan u hambalyeynaynaa Musharixiintii guulaysatay, (sidoo kale) waxaanu boogaadinaynaa sida hufan/ama wanaagsan ee Guddiga Doorashada Baarlamaanka u agaasimay doorashooyinka, gaar ahaan sida cad ee tooska ah ee ay habka doorashooyinka ooga soo baahiyeen Qalabka war-baahinta sida, TVG iyo Raadiyayaasha.

Hadaba ma mudnayn inay Beesha caalamka oo ka shaqaynaysay abuurida iyo dib usoo celinta dawladnimadii Soomaaliya inay taageeraan maamul aan jirin, abuurayana Colaad. Shacabka Puntland na marna ma aqbalayaan inay Gorgortan iyo wadahadalo ka galaan dhulkooda oo la fariistaan Nin sheeganaya.

Ugu Hambalyeyta DFS maamulka Cadaado

Waxaa wax laga xumaado ah inay Beesha Caalamku ugu Hambalyeyso DFS Colaada iyo Xasarada ay ay ka wado Puntland. Arrintani waxay god dheer ku ridaysaa midnimadii iyo dawladnimadii Soomaaliyeed. Waa Cajiibe ruux dhibaato abuuraya ma la qabtaa mise waa loogu hambalyeeyaa?

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Somalia. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada kasoo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

DFS ma faderaalaysayso Soomaaliya ee waxay ka hurinaysaa Colaad uu dhiig badan ku daato waxaadna moodaa inay Beesha Caalamku dhan la safatay kana hiilisay dhanka Puntland. Madaxda DFS waxaa lagu yaqaanaa  Faderaaldiidnimo tanina waa Carqaladayn la doonayo in lagu carqaladeeyo Federaalka Soomaaliya

Baaqa ah inay Maamulka cadaado iyo DFS wada hadalo la furaan Puntland

Dawlad jirta inta dhulkeeda nin iska sheegto ma lagu doodi karaa in wada hadalo lala furayo ku saabsan dhulkeeda taasi waa DAGAAL cad kaasoo ay iminka qayb ka noqotay Beesha Caalamka waana nasiib daro in Beesha Caalamka oo ku bixisay Soomaaliya waqti fara badan iyo lacag fara badan sidii ay Soomaaliya dawladnimadeedii ula soo noqon lahayn inay ku kacdo ama qayb ay ka noqoto dagaal lagu qaadayo Puntland oo ah Qayb muhiima oo ka tirsan Soomaaliya taaso horseedaysa Colaad iyo sii kala furfurasho.

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan. Annagoo ogsoon in muranka Puntland uu salka ku hayo dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka laguna dadaalo in dhismihiisa la waafajiyo Dastuurka u yaalla dalka,” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

Waxaaba ka sii daran AQOONSIGA wixii Xasan Sheekh ku doodi jiray ee ahaa inay arrinta Gobolka Mudug u taal Guddiga Xuduudaha oo soo Afmeeri doona muranka dhuleed ee uu Maamul ku sheega Cadaado wado, taasi maaha waxa ay shacabka Puntland Aqbalayaan waana dagaal cad oo lagu soo qaaday Puntland mas’uuliyadeedana DFS waxaa la wadaagaya Beesha caalamhka oo qayb ka noqotay dagaal hurinta socota.

Puntland na gar leh DFS na gar leh

Haddii ay Beesha Caalamka ku baaqayso xushmayn Heshiisyadii ay Garowe iyo Xamar kala saxiixdeen oo ku saabsanaa Xudduudaha Puntland maxay u taageereen maamul ku sheega ay DFS ku dhoodhoobtay Cadaado? Ma iswaafaqsan yihiin Qodobka ugu dambeeya iyo kuwii ka horeeyey? mise arrintu waa Puntland na gar leh DFS na gar leh?

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha. Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

Puntland dad bay leeday wayna jiri doontaa

Puntland waxaa dhidibada loo taagay sanadkii 1998 dii waxayna soo martay marxalado kala duwan wayna kasoo gudubtay ilaa iyo 1991 dii waxaa shacabka Puntland kaga socda Xamar dagaal dhan walba leh waxna kama qaadin tanina waa mid taas la mida laakiin tani waxay uga duwan tahay dagaaladii hore waxayhorseedaysaa inay Puntland aayaheeda ka tashato isla markaasna iska difaacda dagaalka qaawan ee lagu soo qaaday.

Shacabka reer Puntland iyo dawladooda way difaacan jireen dhulkooda wayna difaacan doonaan mana suurto gelayso in ay gorgortan iyo wadahadalo kala yeeshaan niman aan AQOON waxaan BOOB ahayn.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedkii Beesha Caalamku soo saartay:

WAR-SAXAAFADEED SI WADAJIR AH LOO SOO WADA SAARAY: Bulshada Caalamka oo ugu hambalyaysay Baarlamaanka Galmudug Doorashooyinka

Muqdishu, 4 Julaaly 2015: Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka (IGAD) Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee maanta ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

“Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah Caawa u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

Sidoo kale, Warka ayaa lagu xusay inay kula talinayaan madaxweynaha la doortay C/kariin Guuleed iyo ku xigeenkiisa Carrabey in xukuumadda ay soo dhisayaan ay kaalin weyn ku lahaadaan Haweenka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Somalia. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada kasoo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan. Annagoo ogsoon in muranka Puntland uu salka ku hayo dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka laguna dadaalo in dhismihiisa la waafajiyo Dastuurka u yaalla dalka,” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha. Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

About The Author