Dhagayso: IGAD ”Waxaan rabnaa in Heshiisyadii PL & DFS la taaba geliyo, la ixtiraamo, laguna dhaqmo

169g

05 July 2015 (Puntlandes) Safiirka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaalia mudane Mahamed Abdi Afey oo BBC-da laanteeda afka soomaliga la hadlay, ayaa sheegay inay IDAG iyo Beesha Caalamku doonayaan in lagu dhaqmo Heshiisyadii ay kala saxiixdeed DFS iyo Puntland oo uu ugu horeeyo kii Raysul Wasaare Cabdiwali Sheekh iyo Puntland Garowe ku kala saxiixdeen iyo kii XasanSheekh iyo Puntland ku kala saxiixdeen Garowe.

Afey ayaa yiri ”Horaan arintaas tallaabo uga qaadnay, waxaanan rabnaa in Galmudug dhismeheeda aysan dhib ku noqonin Puntland, xilligii dowladii raaisulwasaare Cabdi weli iyo madaxweynaha laftirkiisa oo Garowe tagay, heshiisyo ayaa la gaaray oo puntland lala heshiiyay, waxaanan runtii rabnaa in heshiisyadaas la taaba geliyo, la ixtiraamo, laguna dhaqmo.

Dhanka kale Mudane Afey waxuu sheegay in dowrka Ahusuuna aan la iska indhatiri karin, waxuuna ku baaqay in wada xaajood lala furo.

Dhagayso Amb Afey


Puntlandes.com

About The Author