Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha & Daaqa oo daahfurey Xalfad lagu qaybinayey Qalabka Shinida

26 June  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa daahfurey Xalfad lagu qaybinayey Qalabka Shinida.

Wasaaradda xannaanada xoolaha Dowladda Puntland ayaa degmadda Qardho ka samaysay iskaashatooyinka shinidda Kuwaas oo ay u qaybisay qalabka shinada iyo Tababaro ku saabsan dhaqashadda shinidda iyo Sidoo kalena lagu tababaro isticmaalka qalabkan.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay shinidu iyo inay ka mid tahay xoolaheena inoogana baahan tahay xannaanayn iyo daryeel joogtaa.

Waxaa kasoo qayb-galay Xafladda Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha ,Gudomiye ku xigeen degmadda qardho ,Agaasimaha wax-soosaarka Wasaaradda,isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Karkaar ,Xoghayaha Wasaaradda ,maamulaha degmadda e Wasaaradda ,iskaashatadda Shinileyda iyo dhaqaatiirta Wasaaradda xannaanada xoolaha DPL.

About The Author