Dhagayso: C/kariim ”Dhaqaale ahaan waxaan isku halaynaynaa DFS”
05 July 2015 (Puntlandes) Cabdikariim Xuseen Guuleed oo DFS ay madax uga dhigtay maamul ay ku dhoodhoobtay Cadaado oo la doonayo in dagaal loogu qaado Puntland ayaa isagoo u waramaya BBC da waxaa la waydiiyey sida uu isku bixin karo maamulkani maadaama uusan lahayn ilo dhaqaale? Wuxuuna Cadikariim ku jawaabay inay isku halaynayaan DFS inay siiso taageero dhaqaale!!
DFS oo ahayd wax ka dhaxaysay dhamaan ummadda Soomaaliyeed ayaa noqotay wax reer kaliyihi maalaan ama ay munaafacaadsadaan.
DFS inay dagaal ula joogto maahee ma dhaqaale ayey ku taageertaa Puntland? DFS inay dagaal ula joogto maahee ma dhaqaale ayey ku taageertaa Jubaland? DFS ma dhaqaale ayey ku taageertaa Koonfur Galbeed? Iskaba daa Somaliland?
Hor istaaga DFS ee Mashaariic Horumarineed oo Beesha caalamku ku deeqday PL
DFS waxay ka horjoogsatay Puntland inay Beesha Caalamku ka taageero Mashaariic Horumarineed. DFS waxay diiday inay Soomaalida ku soo qaxday iyo iyaduba ka faa’iidaystaan khayraadka Puntland, DFS waxay diiday inay Puntland loo dhiso wado, Deked, Garoomo diyaaradeed xataa in loo qodo Ceelal Biyo.
Hadaba waxay shacabka Puntland iswaydiinayaan waxa ay dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka sugayso Xamat iyo DFS? Waxaa la gaaray xiligii reer Puntland ka tashan lahaayeen Xamar iyo Soomidiidnimada Taala una dabranaanin mar dambe
Dhagayso Cabdikariim
Puntlandes.com