Akhri: Warbaahinta ku hadasha afka DFS oo bilaabay inay Gobolka Mudug siiyaan maamulka cadaado
05 july 2015 (Puntlandes) Warbaahinta ku hadasha afka DFS oo dagaal cad kula jira shacabka iyo dawlad Puntland ayaa bilaabay olole cusub oo ah BEEN cad taasoo ku doonayaan inay Gobolka Mudug siiyaan maamulka DFS ay Cadaado ku dhoodhoobtay.
Magaalada gaalkacyo oo ah xarunta Gobolka Mudug Beeshoodu waxay ka degtaa xaafad yar oo dhacda docda Koonfureed lana yiraahdo BARAXLEEY, magaalada inteeda badan iyo haday noqon lahayd Garoon diyaaradeed, Dhamaan xarumaha dawlada waxay hoos timaadaa Dawladda Puntland.
Gobolka Mudug waa ka wayn yahay wax qalin lagu qaato, waana ka wayn yahay wax xataa nin uu qori ku qaadan karo marka armay kuwa Xamar jooga u rooon tahay inay BEENTA ay isku sheegayaan iska daayaan? waa haday wax fahmayaan!!
Halkan hoose ka akhriso BEENTA ay Warbaahinta ku hadasha afka DFS faafinayso!! Gaalkacyo BEEN iyo inaad afka ka sheegataan kuma heli kartaan. Qoraalkan kuma jiro hal eray oo muujinaya waxay inay tahay BARAXLEEY ee waxay muujinayaan inay Gaalkacyo oo dhami iyaga hoos timaado!! CAJIIB
Dibad bax lagu taageerayay hogaanka cusub ee Galmudug oo Gaalkacyo la dhacay
Dibad baxaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka degmada Gaalkacyo, xubno ka tirsanaa golihii wasiirada maamulkkii hore ee Galmudug iyo boqalaal dadweeynaa oo kala socday bulshada qeybahooda kala duwan, iyadoo sidoo kale uu khadka taleefanka uga soo qeyb galeen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Carabeeey.
Duqa degmada Gaalkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug Bile Diini Cali oo ugu horeeyn ka hadalay banana baxa taageerada ahaa ayaa sheegay in maamulka degmada Gaalkacyo iyo shacabkiisuba ay si weyn u soo dhaweeynayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay ayna la shaqeeyn doonaan.
“Meeshaan waxaan isugu nimid inaan taageerno oo ku boorino guusha uu gaaray anagu musharixiintu waxay ahaayeen isugu kaaya mid waxaa waajib nagu ah in ninkii la doorto aan la shaqeeyno oon taageerno maadaama aan nahay dadkii aas aaska u ahaa dhismaha Galmudug”, ayuu yiri Diini.
Mudane Bile Diini duqa degmada Gaalkacyo ayaa sidoo kale hambalyo u direy dhamaan xubnaha golaha wakiilada dowld goboleedka Galmudug gaar ahaan guddoonka, isagoo u rajeeyay in ay howshooda ilaahay u fududeeyo.
Ugu madaxweynha dowlada Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo khadka taleefanka kula hadlay bulshadii iyo madaxdii ka soo qeyb gashay banaan baxaan lagu tageerary hanaanka horumarka leh ee ka soo hana qaaday gobalada dhaxe ayaa uga mahad celiay taageerada ay u muujiyeen dhismaha dowlad gobaleedka cusub ee Galmudug
“Aad baan ugu mahadsantihiin taaageeradiina maamulka meeshaan ka dhisan waa maamulkiinii waana midaad muddo badan raadineeyseen in maamulku uu ku baaho dhamaan deegaanada Mudug iyo Galguduud, marka waxaan aaminsanahay in reer Galmudug ay guuleeysteen Soomaali oo dhanna ay wada guuleeysatay”, ayuu sheegay madaxweyne Guuleed.
Dibad baxyo kuwan la mida oo lagu tageerayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyana ka dhacay deegaano farabadan oo ka tirsan kuwa gobalka Mudug.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka