Sawirro-Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Hanti-dhowrka guud

03 July 2024 (Puntlandes.com) Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey), kaas oo 19kii bishii Maarso, 2024 uu magacaabay MW Siciid Cabdullaahi Deni.

47 Mudane oo kamid ah 50 Xildhibaan oo soo xaadiray kulanka Golaha Wakiillada ayaa oggolaaday meelmarinta Hanti-dhowre Cusmaan Qaroofey, halka ay ka aamuseen 3 xubnood, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Guddoomiye Cismaan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u mahadceliyay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland. waxaana uu sheegay inuu ku shaqeyn doono hufnaan, si loo ilaaliyo hantida dowladda.

“Waxaan u mahad celinayaa guddoonka golaha wakiillada, xildhibaanada iyo dhammaan hawl-wadeennada golaha munaasibaddii maanta iyo kalsoonidii ay I siiyeen in aan ugu shaqeeyo shacabka Puntland. Waxaan shaqadayda u gudan doonaa si huffan, daahfuran iyo inaan ka warbixinno, ilaalino hantida dawladda noocyadeeda kala duwan.”

Cusmaan Qaroofey ayaa ah khabiir dhanka dhaqaalaha ah, gaar ahaan Hantidhowrka, waxaana uu tan iyo 2010kii uu kasoo shaqeeynayay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Magacaabistiisa ayay si weyn u soo dhaweeyeen Hay’addaha ka howlgalla gudaha Puntland, iyadoo loo arko inay hakin doonto musuqmaasuqa lagula kaco mashaariicda deeqda ah iyo hantida kale ee dowladda.

About The Author