Sawirro-Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa

03 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa maanta codka xasaanada u qaaday Xeer-ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan iyo ku-xigeenkiisa Cabdiqani Diiriye Cawl.

Waxaa Fadhiga xaadir ku ahaa 50 Xildhibaan, waxaa ogolaaday 36 Mudane, iyadoo ay ka aamuseen 12 mudane, halka ay ka Diideen 2 Mudane.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 10 ee 6da February 2023, ku magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan, halkaan ka akhriso magacaabista.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda dhaarinta xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), taas oo dhacday 12kii February 2023, halkaan ka akhriso.

About The Author