Waa imisa lacagta Soomaaliya laga rabo ururka EAC bishii ama sanadkii?

08 July 2024 (Puntlandes.com) Bishaan July ayaa waxaa bilowday sanad dhaqaaleedka ururka bulshada bariga Afrika ee ay dhawaan ku biirtay Soomaaliya, waxayna wadamada xubnaha ka ah ay bixiyaan lacag xubinimo ah oo luugu talagalay in lagu fuliyo shaqada ururka.

Soomaaliya oo ah dalkii u dambeeyay ee ku biiray ururka ayaa laga doonayaa inay bixiso lacag dhan 7.8$ milyan, taas oo u dhiganta bishii 650 000$.

Lacagtaan ayey bixiyaan dhamaan wadamada xubaha ka ah, sida uu sheegay Cabdisalaan Hadliye, oo ah Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ururka bulshada bariga Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ayaa ka dhigan in dakhliga sanadlaha ah ee dallada bulshada bariga Afrika ay ku korortay 7.8 milyan oo dollar.

Madaxa golaha wasiiradda ee ururka bulshada bariga Afrika, Deng Aloor ayaa sheegay in dhaqaalaha wadamada ku bahoobay EAC uu wajahayo xaalado caalami ah oo aad u daran oo ay ka mid tahay khilaafaad juquraafi, saameynta uu keenay isbadalka cimilada, sicirka shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo cuntada aan la goyn Karin qiimaheeda ee ka jira gobolka ay cadaadis xoog leh ku keeneen sarrifka lacagaha qalaad.

Dhanka kale waxa uu xusay Deng, in in kasta oo caqabado badan oo nuucaasi ah jiraan, hadana uu kordhay dhaqaalaha Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Dakhliga guud ee ururka ee sanad dhaqaaleedka 2024/2025 ayaa waxa uu yahay 112,984,442$.

Sidee ayey u qoondeeyeen adeegsiga lacagtaan?

1-Nabadda iyo amniga gobolka: lacag dhan 1$ milyan

2-Arimaha ganacsiga iyo maalgashiga: lacag dhan 7$ milyan

3-Arimaha bulshada iyo waaxyaha waxsoosaarka leh: lacag dhan 6.2$

4-Horumarinta hay’adaha: lacag dhan 10.4$ milyan

5-Xubnaha iyo hay’adaha ururka:  lacag dhan 66.3$

Soomaaliya ma ka soo gelaysaa lacagta ay ku bixinayso mid ka badan oo ma ka macaashi kartaa iminka sida uu maamulka Xasan Sheekh ku doodo?

About The Author