Muuqaal-Muqdisho: Booliska oo faahfaahin kabixiyey howlgalka ka socda Xerada Dab-damiska

08 July 2024 (Puntlandes.com) Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id  qabtay ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qaaday xaafadda Dab-damiska oo ay saaka tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fedraalka.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska.

“Ciidanka dab-damiska Soomaaliyeed saaka waxay dab-damiska ka wadaan shaqo lagu diyaarinaayo goobtaasi, si looga dhiso xarun wayn oo magaalada Muqdisho u noqon doonta dab-damis la tacaala dhibaatooyinla dabka soo noqnoqday” ayuu afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ma xusay wax caawimaad ah oo ay dawladdu u fidisay dadkii danyarya ahaa ee degenaa Xeradda laakiin wuxuu tilmaamay in shacabka la siiyay waqti ku filan, isla markaana uu maanta ku ekaa.

About The Author