Sawirro PEC oo shirka amniga Doorashada Garowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan la yeelatay Wasiirka Amniga & DDR ta Puntland

08 July 2024 (Puntlandes.com) Guddoomiye KX, ahna siihayaha Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland, PEC, Axmed Maxamuud Cumar, oo ay weheliyaan xubnaha Guddiga, ayaa maanta shirka amniga Doorashada saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan, la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDR ta ee Dawladda Puntland Mudane Ibraahim Cartan Ismaaciil ( Xaaji Bakiin ) oo ay la socdaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Mudane Axmed Maxamuud Axmed (A. Qaxiye) iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Keyse Cabdi Yuusuf.

kulanka ayay uga wada hadleen arimaha amaanka, xasiloonida maalmaha ololaha doorashooyinka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Dorashada ka qaybgalaya.

Masuuliyiinta amniga ayaa sheegay inay la socon doonaan dhaq-dhaqaaqa musharixiinta iyo xisbiyada siyaasadda, sidoo kalana dhagaysandoonaan cabashooyinka muwaadiniinta codeynaya.

About The Author