Sawirro: Shirka kicinta & dardargelinta shaqada hay’adda qandaraas bixinta & dardargalinta dakhliga

08 July 2024 (Puntlandes.com) Shir Ku aadan kicinta iyo dardargelinta shaqada hay’adda qandaraas bixinta ayaa maanta ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Puntland.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha hantidhawrka guud, agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda qorshaynta, Ku-simaha Gudoomiyaha hay’adda qandaraas bixinta, agaasime Kuxigeenka guud dakhliga, agaasimaha waaxda maamulka hay’adda qandaraas bixinta, agaasimaha waaxda cashuuraha beriga iyo xisaabiyaha gobalka Nugaal.

Shirkan intii uu socday ayaa siwayn looga dooday sidii hay’adaha Dowladdu si wada jir ah uga qayb gaadan la hayeen dardargalinta dakhliga ayadoo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah halkaasi laga soo jeediyay.

Ugu dambayn Shirkan ayaa Loo saaray gudi ka kooban Madaxtooyada, Hantidhawrka guud, hay’adda qandaraas bixinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta kuwaas oo kulamo joogta ah ka yeelan doona sidii Loo dar-dargelin dakhliga dalka ayna hay’adu hu qaadan lahaayeen doorkeeda shaqo.

About The Author