Xasan Jidxun oo soo saaray amar la xiriira cidda la siin karo inay Qandaaska ka fuliyaan Degmada Gaalkacyo

08 July 2024 (Puntlandes.com) Qoraal ka soo baxay gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaamac Jidxun ayaa wuxuu ku faray dhamaan hayadaha caalamigaa & kuwa maxaliga ee Degmada Gaalkacyo ka fulinaya Mashaariicda inay Qandaaska siin karaan oo kaliya muwaadiniinta degen ama u dhashay Degmada Gaalkacyo.

Qodobada 116 A iyo 118 C oo qeexaya in shirkaddaha iyo NGO-yada muwaadiniinta reer Puntland hadii ay ka diiwaan gashan yihiin dhammaan hay’addaha shatiga bixiya degmo ka mid ah degmooyinka Puntland in ay si siman uga wada faaiidaysan karaan mashriicda loo tartamayo haddii ay ahaan lahayd degmooyinka gobolada Mudug, Bari, Nugaal, sanaag……..

Puntland degmo ma samayn karto kala xadaynta mashaaricda iyo habka maraynta qandaraasyada.

About The Author