SSC-khaatumo oo kahashay wada-hadal dhexmara Somaliland iyo isdhaafsiga maxaabiista

09 July 2024 (Puntlandes.com) Maamulka SSC-khaatumo ayaa markii ugu horreysey ka hadlay wada-hadal dhexmara Somaliland iyo isdhaafsiga maxaabiista ay kala haystaan, ka dib markii ay shalay arrintaasi ka wada-hadleen Urur-goboleedka IGAD.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa sheegey in Somaliland ay wada-hadal iyo isdhaafsi maxaabiis la geleyaan marka ay oggolaato Somaliland in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan.

“Arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyaga oo gacanta dambiga iyo dhiig kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan.’’ ayuu yidhi Najiib Barkhadle.

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in Maxaabiista ay hayaan ee laga qabtay Somaliland, 25-kii August ay ku jiraan dambiilayaal, la qabtay ayagoo gacmaha dambiga kula jiray oo ay maxkamad horgeynayaan.

Puntlandes.com

About The Author