Sawirro: MD Xasan Sheekh & MD Afwerki oo kormeeray cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya

09 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

About The Author