Muuqaal: Fadhigii Baarlamaanka Federaalka oo maanta u baaqday kooram la’aan

10 July 2024 (Puntlandes.com) Fadhigii Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Guddoomiye, Shiikh Aaden Madoobe.

Aaden Madoobe ayaa xildhibaannada aan fadhiga ka soo qaybgelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka isaga oo ugu digay in mar kale ay dhacdo inuu la furmi waayo Kooram la´aan.

Baaqashadaan fadhiga Baarlamanka ayaa imanaysa, iyadoo todobaadkii horena uu fadhigii Golaha Wasiirradu baaqday.

Xildhibaannada qaar ayaa dhawaan bilaabay mucaarid aad u xoog badan oo ka dhan ah xukuumadda DFS.

About The Author