Golaha Wasiirrada Somaliland oo u Codeeyey in loo Diyaar Garoobo Difaac & Doorasho

10 July 2024 (Puntlandes.com) Kulankii Golaha Wasiirrada Somaliland oo qabsoomay maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 10-07-2024, kana soo hor maray wakhtigiisi oo ahaa Berri oo Khamiis ah uu Shir-guddoominayey Madaxweyne  Muuse Biixi ayaa lagu go´aamiyey Amniga, Doorashooyinka, Difaaca.

Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxay war-bixin guud oo la xiriirta amniga dalka ka dhegeysteen wasiirka arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Goluha ayaa wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo, wax ay ugu yeereen, kuwa isu soo bahaysatay inay waxyeelleeyaan Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay, shacbiga Somaliland-na waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Qarankaba.

Golaha Wasiirrada Somaliland kuma aysan xusin warsaxaafadeedkooda cida Somaliland duulaanka ku soo ah laakiin waxaa gobolka Awdal ka samaysmay Jamhad ay taageerayso Jabuuti.

Dhinaca kale Wasiirka Xiriirka Golayaasha Cabdinaasir Buuni ayaa Golaha Wasiirrada waxa uu taariikhda markii u horaysay keenay oo loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka Ciqaabta guud ee Somaliland ee uu yeelan doono,

Puntlandes.com

About The Author