Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo booqasho ku tagay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar

11 July 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Fu´aad Abshir Axmed oo maalmahan u joogey Gobolka Mudug howlo shaqo oo la xiriira nabadayn ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.

Kulankaan ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka, Guddoomiyaha waxbarashada Degmada Gaalkacyo iyo kormeerayaasha waxbarashada Gobalka.

Wasiir Fu’aad ayaa ka dhagaystay maamulaha Cumar Samatar warbixinta guud ee dugsiga gaar ahaan saameyntii roobabkii waxyeeleeyey 2023, sidoo kalena wuxuu kormeerey waxyaabaha laga qabtay dugsiga sida Dhismayaasha iyo dayactirkooda, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan qabashada howlaha hormarinta dugsiga.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa ka qayb qaatay barnaamijka Cagaarinta dugsiga iyagoo beeray dhowr geed.

About The Author