Safiirka Somalia ufadhiya India oo wasaaradda Arimaha Dibadda India ka codsaday in dalkaas laga masaafuriyo Fadumo Maxamed Cabdi

11 July 2024 (Puntlandes.com) Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa 28kii bisha May, u gudbiyey wasaaradda Arimaha Dibadda ee Hindiya, in dalkaas laga masaafuriyo Fadumo Maxamed Cabdi oo ahayd Xoghayaha 1aad ee safaarada Somalia ee Hindiya.

Safiirka oo aan sabab ka bixin go´aankiisa, laakiin ilo wareedyo ay sheegayaan in uu diidan yahay in qareeno loo qabto muwaadaniin Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Hindiya.

13kii bisha June ayay wasaaradda arrimaha dibada ee Hindiya soo saartay go’aankan, iyadoo xiganaysa warqada safiirka Soomaaliya qoray, oo dalbanaysay in Xoghayaha 1aad ee safaarada Somalia ee Hindiya lagala laabto xasaanadda Diblomaasiyadeed dalkana laga masaafuriyo ayey waxay amartay in dalka ay ka baxdo Fadumo iyadoona ku amartay celinta dhammaan aqoonsiyada diblumaasiyada ee ay dawladda Hindiya bixisay.

Danjire Axmed ayaa isla 13kii June warqad u diray Muqdisho isagoo aan ku sheegin inuu dacwad u gudbiyey wasaaradda Arimaha Dibadda India, taas oo sababtay talaaboqaadka Wasaaradda arrimaha dibada India qaadatay.

About The Author