Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo ku wareejiyey Isuduwayaasha Wasaaradda Agab sahlaya ka faa’idaysiga khayraadka xoolaha

11 July 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux  oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ku wareejiyey Isuduwayaasha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Gobolada Puntland Agab sahlaya ka faa’idaysiga khayraadka xoolaha kuwaas oo ah caagaga caanaha 2500 oo nooc iyo macdanta xoolaha (mineral blocks) 8168 kun oo loogu talo-galay in la gaarsiiyo Shacabka reer guuraaga ah ee Xoolo dhaqatadda ah.

Sidoo kale waxaa la gudoonsiiyey isuduwayaasha wasaaradaha ee Gobolada 20 Talaagadood u sahlaya in ay daawada xoolaha ku kaydiyaan iyo 20 Solar system ah si xarumaha ay u helan tamar joogto ah. Adeeggan oo si rasmi ah maanta lagu wareejiyey xarumaha gobolada ee Wasaaradda ayaa tilmaamay in ay shaqada bulshada u hayaan ay wax badan ka tari doonto.

Waxaa Munaasibadda Wareejinta agabka ka qayb ahaa Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dr. Aadan Caabi samatar iyo Agaasimaha Waaxda wax soo saarka Wasaaradda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse.

About The Author